MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhageysiga Dacwad loo hayso10 Ruux oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo ku eedeysan Musuq maasuq ayaa ka socota Maxkamada Gobolka Banaadir.

10ka ruux ee dacwada loo haysto ayaa waxaa ka mid ah Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud oo dhawaan xabsiga laga sii daayay.

Waxaa loo heystaa eedeymo ku saabsan lunsashada hantida dadweynaha, gaar ahaan markii uu bilowga ahaa Cudurka Corona virus.

Wasaaradda  Caafimaadka ayaa bilihii lasoo dhaafay wajaheysay wahwareer ka dhashay xiritaanka Shaqaallaha iyo sidoo kale agaasimaha Guud xilli xaalad adag uu  dalku ku jiray.