100 Xildhibaan Oo Kamid Ah Barlamaan Uganda oo Laga Helay COVID-19

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Uganda ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in Dhismaha Barlamaanka dalkaasi la xiri doono muddo 2 isbuuc ah, kadib, markii uu dalkaasi ka dillaacay Mowjadda 2-aad ee Cuddurka COVID 19.

Bayaanka waxaa lagu xusay inuu Barlamaanka xirnaan doono laga bilaabo bishan June 28-da ilaa bisha soo socota ee July 11-da.

Xiritaankaasi ayaa yimid, kadib, markii ay Guddiga Barlamaanka Uganda isbuucii hore shaaciyeen in ka badan 100 Xildhibaan iyo xubno ka tirsan Shaqaalaha Barlamaanka laga helay COVID 19, kadib, markii baaritaano caafimaad lagu sameeyey.

Uganda waxaa laga diiwaan geliye y inay 73,401 oo qof laga helay COVID 19, halka ay 714 kalena u dhinteen.