MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadka ku shahiiday weerarka bahalnimada ah ee kooxaha naf la caariga ah ay ku qaadeen gaariga dadweynaha ee marayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dhammaan dadkaas shuhadada ah waxaan u rajeyneynaa inuu Allah naxariistii jinno siiyo inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo.

Falkaan arxan darrada ah waxuu caddeyn u yahay sida kooxahaan calooshood u shaqeystayaasha ah ee ka macaasha daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay mar kasta ugu hamuun qabaan baabi’inta dadka si aan kala sooc laheyn.

Dowladda oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxay ku reja weyntahay in guul laga gaaro dagaalka lagu soo afjarayo kooxaha argagaxisada, diin laawayaasha ah ee danta ka dhex arkay burburinta dalka iyo baabi’inta ummadda