Muqdisho-Ayaamaha-Shirkada Albarakaat oo inteeda badan aheyd mid Hormuud magaca hadda lagu shaqeeyo ahaa,waxaana 18 Sano ka hor lagu daray Shirkadaas liiska Argagaxisada Dunida Hanti Shirkadu laheydna waa la xayiray.

Hadaba Shalay oo arbaco aheyd 12 Bisha Febraayo 2020 ayaa la xaqiijiyey in Xanibaadii laga saaray Shirkadaasi Soomaaliyeed.

Wasaarada Maaliyada USA qeybtiida Xafiiska Hantida ayaana lagu shaaciyey in Shirkada Al Barakaat Soomaaliya Liiska Argagaxisada laga saaray.

Dhowr Farqood ayey Ahaayeen Al Barakaat oo isku tegay kuwaas oo kala ahaa: Al-Barakaat Group of Companies, waxaa ka mid ah Al-Baraka Exchange LLC, Al-Barakaat Bank, Al-Barakat Financial, Al-Barakat Global Telecommunications.

Xitaa waxaa ku jirta Hormuud oo markii dambe magaca loo badelay balse waxay aheyd Al Barakaat,taas oo 2001-dii markii Daarihii ganacsiga Adduunka New York & Washington Al Qaacida weerareen la xanibay.

Hadda Al Barakaat Shirkadeeda waxay dib uheli kartaa sida la rajeenayo Hantidii laga xayiray,inkastoo dad badan oo saami ku lahaa shirkadaas ay badankood dhinteen.

Dad badan ayaa dib farxad u helay marka la eego Xayiraada laga qaaday Shirkada Al Barakaat 18 Sano kadib iyagoo sheegay inay yadadiilo ka muujinayaan in Hantidoodii ay dib uheli doonaan.