Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa waxa uu soo saaray Amar ah inuusan ogolaan doonin is bar bar yaaca ku aadan dadka tegaya Xafiiskiisa.

Amarkaan oo Maanta ku taariikheysnaa Warqada soo baxday waxaa Siciid Dani uu joojiyey Ballamadii uu lahaa ilaa amar dambe.

Lama shaacin sababta keentay Arintaan iyadoo Madaxweyne Dani uu yiri daruufo jiro awgeed in Ballamadii uu hore ugalay joojiyey.

Amar ayaa la siiyey Ciidamada Amniga si ay u celiyaan cid kasta oo Ajaanib iyo Soomaali waxay doonaanba ah oo la ballansanaa Madaxweyne Siciid Dani Xaalado jiro Awgeed.