Muqdisho-(Ayaamaha)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda Xukuumada Soomaaliya.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlayo Xaaladda amniga ee Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii dambe ay ka dhaceeyn qaraxyo iyo dilal qorsheysan,waxaana goobjoog ka ah inta badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa  Xaaladda amni dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Warar qaar ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka sidoo kale looga hadlo sidii wax looga qaban lahaa xaalada amniga ee dalka,waxaana shir Guddoomiyaha Ra’iisul wasaare Kheryre.

Kulankaan ayaa waxaa kusoo aadayaa iyadoo todobobaadkii ugu dambeeyay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid faraha ka baxay,isla markaana aad loo dhaliilay amniga Caasimadda.

Kulankaan ayaa wuxuu kusoo aaday xilli Maanta Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ugu hanjabay Golaha Wasiirada inay mooshin ka keeni doonaan, haddii ay soo xaadiri waayaan kulanka soo socda ee Baarlamaanka.