Muwaadin Soomaali Ah Oo Meydkiisa Laga Helay dalka Koonfur Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa xalay helay Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo maalmihii lasoo dhaafay lagu la’aa Nolal iyo geeri.

Bootaan ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee wada gaadiidka lagu wareejiyo alaabaha Delivery ah, waxaana la waayay saddex maalin kahor oo ay baadi goobayeen Booliska iyo Muwaadiniin kale oo Soomaali ah.

Meydka Marxuum Bootaan ayaa waxaa markii horer soo arkay Nin Hindi ah oo gaari watay, isagoona intaas kadib ku wargeliyay Booliska Gobolka North West ee Koonfur Afrika, waxaana goobta lagu arkay laga soo qaaday Meydka Bootaan oo jirkiisa ka muuqdeen rasaas lagu dhuftay oo loo adeegsaday dilkiisa.

Allaha u naxariistee Cabdullaahi ayaa 3-maalmood ee ugu dambeeyay Nolal iyo geeri lagu la’aa, waxaana markii cidi ugu war dambaysay ay aheyd Khamiistii lasoo dhaafay.