Muqdisho-Ayaamaha-Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka dalkaasi ay dileen sargaalkii ka dambeeyay afgembigii fashilmay ee sabtidii  ka dhacay xarunta ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Janaraalkan ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya waxaan lagu soo warramaya in lagu dilay deegaan u dhaw goobtii uu weerarka ka dhacay Sabtidii.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

Warbaahinta Itoobiya ayaa ku warameysa in sargaalkan lagu dilay goob aan ka fogeyn meeshii sabtidii uu ka dhacay weerarka lagu dilay Madaxweynaha maamulka Amxaarada iyo saraakiil kale oo badan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku eedeeyay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaas.

Janaraalkaan ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xirnaa, waxay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

Janaraal Asaminew Tsige ayaa dadweynaha gobolka Amxaarada kula taliyay bishan inay hubka qaataan, sida lagu sheegay muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu baahiyay, waxaana dadkii arkay muuqaalkaas kamid ahaa weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.