Muqdisho-Ayaamaha-War qoraal ah oo bartiisa Facebook kusoo qoray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa waxaa uu ku shaaciyay in Ajendaha ugu muhiimsan kulanka Maanta uu yahay Arrimaha Doorashada la filayo in Sanadka 2020-ka dalka ka dhacdo.

Sidoo kale Agaasime Cabdinuur ayaa sheegay in Madaxweyneyaashii hore ee dalka uu Madaxweyne Farmaajo uu kala hadli doono sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah”a ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.