Cabdirashiid Janan Oo Qorshe Kale Oo Ku Saaban Gobolka Gedo U Tagay  Addis Ababa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa safarkii ugu horreeyay ku tegay Magaalada Addis ee Caasimadda dalka Itoobiya tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka.

Socdaalka uu Cabdirashiid Janan ku gaaray Addis Ababa ayaa waxaa la sheegay inuu ku wehlinayo Wasiiru dowlaha Gaadiidka, Cirka iyo dhulka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Kulmiye Xersi (Cabdiraxmaan Dheere) iyo xubno kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka safarka Wasiirkii hore ee amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Janan ee Itoobiya uu yahay mid ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in socdaalka Janan uu salka ku haayo Arrimo Baasaboor uu doonayo inuu sameeysto, waana safarkii ugu horreeyay ee uu Magaalada Muqdisho uga baxay tan iyo markii isku soo dhiibay dowladda.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa bishii March ee sandkaan 2021 isku soo dhiibay dowladda Federaalka, isla markaana heshiis la galay, iyadoona  wadahadalo iyo heshiika uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere.