MUQDISHO-AYAAMAHA-Warbaahinta dalka Hindiya, oo uu ka mid yahay wargeyska Hindustan Times ayaa si weyn u hadal haya kiis kufsi ah oo ka dhan ah aabaha dhalay atariisho caan ka ah Hindiya.

Shehnaaz Gill, oo ka mid ahayd jilayaashii u tartamay ka qeyb galka filimka Bigg Boss 13, ayaa ka war heyshay in aabaheed, oo lagu magacaabo Santosh Singh Sukh, uu ku eedeysan yahay fal kufsi ah, dacwad maxkamadeedna laga diiwaan galiyay.

Dacwadda ayaa loo gudbiyay maxkamad uu fadhigeedu yahay gobolka Punjab ee dalka Hindiya.

Santosh oo hadda ka jawaabaya wararka ku saabsan arrintaas ayaa sheegay inuu caddeyn buuxda u heytso baabi’inta eedeyntaas.

Sida ay sheegayeen wararka la xiriira kufsiga, haweeneyda dhibbanaha ah oo ku nool magaalada Jalandhar ayaa 14-kii May tagtay guriga Santokh oo ku yaalla Beas, si ay ula kulanto saaxiibkeed.

Waxay ku eedeysay inuu markaas ku qaaday gaarigiisa, isagoo u sheegaya inuu la kulansiinayo saaxiibkeed, kaddibna uu ku kufsaday qori caaraddiis.

Kiiska la xiriira dhacdadan la sheegayo ayaa la diiwaan galiyay 19-kii bishan May.

Santokh oo arrintan wareysi ka siiyay warbaahinta Bollywood Life ayaa sheegay inuu maalinta falkaas la sheegay dhacay gurigiisa ku sugnaa, meelna uusan uga bixin.

Wuxuu intaas ku daray inuu heysto caddeyn muuqaalka CCTV-ga ah oo xaqiijineysa inuusan maalintaas gurigiisa albaabkiisa dhaafin.

Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay in gabadha kufsiga ku eedeyneysa ay tahay carmali uu horay u furay ninkii ay wada joogeen, ayna heysato hal cunug.

Santokh wuxuu gabi ahaanba dafiray in dhacdadaas ay wax ka jiraan, maadaama sida uu sheegay muuqaalka CCTV-ga uu bariyeelayo.

Shehnaaz iyo walaalkeed Shehbaz Badesha waxay ku sugan yihiin magaalada Mubai, halkaasoo ay kusoo gaartay fadeexadda ku saabsan aabahood.

Hindiya ayaa sannadihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka kufsiga, kuwaasoo mararka qaar ay fuliyaan rag koox ahaan isu baheysta