MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ah aabe soomaaiyeed oo 80-jir ayaa maanta ka mid noqday ardayda u fariisatay imtixaanka qaran, gaar ahaan ahaan fasalka 8-aad, isaga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Odaydan 80 jir ah ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in heerkan uu soo gaaro, islamarkaana uu u fariisto imtixaanka ay qaadeyso dowladda.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in waxbarashada lagu dadaalo oo aan da’da lagu xirin.

Mursal Cabdi Aadan oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada maamulka Galmudug oo imtixaanka ka daah-furay Gaalkacyo ayaa guud ahaan ardayda iyo Aabe Cabdiraxmaan u rajeeyay guul, isagoo ku boggaadiyay dadaalkooda inay sii wadaan.

Magaalooyinka loo fariistay imtixaankan waxaa ka mid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar, halka ay ka maqan tahay Garoowe oo kaliya.