MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka looga qaado kaddib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha ka tirsan ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

Ducaale oo la hadlayay BBC-da ayaa u sheegay in sababta uu uga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

“Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen…

Shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan.

Wuxuu sheegay in kursiga uusan kusii fadhin doonin isla markaana uu banneen doono marka uu soo afjarmo waqtigiisa