Garbahaarey-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo waxaa guud ahaanba maanta ka jirin wax dhaq-dhaaq gaanacsi ah, iyadoo xaalada guud ee degmada ay saakay ka badalantahay sidii ay ahaan jirtay.

Wadooyinka magaalada ayaa waxaa isku soo baxay dad aad u fara badan, waxaana lagu wadaa in goor dhaw uu ka dhaco banaanbax looga soo hor jeedo caleema saarkii Axmed Madoobe ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah maamulka Jubbaland.

Goobahoodii ganacsi Degmada Garbahaarey ayaa dhammaan waxaa ah kuwo xiran saaka, iyagoo abaabulaya banaanbaxyo ay uga soo horjeedan caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.