Hargaysa-Ayaamaha-Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday  dowladda Itoobiya, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Axmed Shido oo ah wasiirka Maaliyadda Ethiopia iyo Wafti uu Hogaaminayo ayaa hadda gaaray Magalada Hargeysa, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha Wasiirda Madexwayene Muuse Biixi.

Wafdigan uu hogaaminayo Axmed Shidde ayaa kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Warar kale kale ayaa sheegaya in wafdiga ay Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonaan Arrimo ku aadan kulankii dhawaan Addis Ababa ku dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.