Dhuusamareeb-Ayaamaha-Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dila Afur ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wariyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in Deegaanka Dhiin-waris oo Dhanka Koonfur ka Xiga Magaalada Dhusamareeb lagu dilay Afarta Qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Goob Shinada Malabka looga dhaliyo.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Afarta ruux ee la dilay  ay ahaayeen kuwo ka shaqeeynayay Xarun Malabka Shinida lagu maalo oo ku taalla deegaanka Dhiin-waris,isla markaana la sheegayaa in loo dilay arrimo la xiriira Aano Qabiil.

Meydka Afarta Ruux ayaa la sheegay in loo soo qaaday dhinaca Caasimadda dhuusamareeb, iyada oo Maamulka Galmudug uu wado baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkaas iyo sababta ka dambeysa dilkooda.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo ay uga hadlayaan dhacdadii lagu dilay Afarta ruux,taasi oo ka dhacday deegaanka Dhiin-waris oo ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.