Muqdisho-Ayaamaha-Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa wel wel ka muujiyay sidda ay saameynta ugu yeesheen Al-Shabaab Shaqaallaha iyo Agaamiyeyaasha guud ee gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho waxaa uu sheegay in wali Xarunta gobolka Banaadir ay ka jirto cabsi ku aadan in uu dhaco weerar la mid ah Midkii lagu dilay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo dilkiisa ay fulisay haweenay Agaasime ka aheyd Xafiis ka mid ah Xafiisyadda dowladda Hoose.

Cumar Finish ayuu tilmaamay in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay in uu is qarxiyo, hayeeshee arrintaas ay ka hortageen ciidanka amniga dowladda.

Sidoo kale Cumar Finish ma shaacin maga Agaasimaha la qabtay, kaasi oo haatan ay gacanta ay ku hayaan laamaha amniga.

Bishii July 24 keeda ee sanadkan ayaa waxaa  Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ka dhacay Qarax ismiidaamin ahaa, waxaana ku dhintay Gudoomiyihii Gobolka Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir.