MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka kumaandooska DANAB ay ku dileen mid kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca tababarada, kaas oo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay dalka Nepal ee qaaradda Aasiya.

Howlaglaka qorsheeysan ayay kumaandooska kasameeyeen degaanada Buur-gaduud, Waabo, Salagle, Duqay oo hoosyimaado degmada saakoow ee gobolka Jubada dhexe iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu uu ahaa sarkaalka ay dileen.

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay howlgalka inuu ahaa mid qorsheysan, kaasi oo ay fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab, islamarkaana ujeedkiisu uu ahaa la dagaalanka Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha ayaa tilmaamay Sarkaalkaas  u dhashay dalka Nepal ay la dhinteen sadex maaliyaad ah oo lajoogay goobta uu howlgalka kadhacay.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska ay kordhiyeen howlgalada ay ku bartilmaameydsanayaan xubnaha ka tirsan Alshabaab.