Safaarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Khartoum ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkas ugu baaqday iney taxadar dheeraad ah muujiyan kana fogaadaan goobaha ay ka socdaan mudaaharaadyada maadaama dalka Sudan uu saakay galay xaalad cusub.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa sheegtay in xaaladda ka taagan Suudaan ay u baahan tahay in laga digtoonaado,islamarkaana Safaaradda ay lasoo xariiraan.
Magaalada Khartuum ayaa maanta waxaa talada dalkaas lagu wareejiyay Gole kumeel gaar ah waxaana magaalada ka dhacay mudaaharaadyo lagu dalbanayay in uu iscasilo madaxweynha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Militariga dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi ka talinayay muddo 30 sanno ah, Cumar Xasan Al Bashiir.
Ahmen Awad Ibn Auf oo ah Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in la xiray Madaxweynihii dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Wasaaradda gaashaandhigga Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah oo muddo labo sanno ah dalka sii xukumi doonto.