MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo isniin ah taariikhduna ay tahay 25 Bisha MAY ee 2020 waxaa kulan muhiim ah yeelanaya Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Guddiga Joogtada ayaa waxaa kamid ah Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Xirnaa muddo ka badan Afar bilood.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa looga doodi doonaa isku diyaarinta la kulanka Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo la filaya inay Dhowaan hortagto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Cismaaciil (Xaliimo yarey) ayaa la filayaa in Baarlamaanka hortiisa ay ka jeedin doonto qaabkii ay u dhici doono doorashada soomaaliya ee 2020/21

Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka duwanan doona kulamadii hore ee Baarlamaanka Sababtoo waxaa go’aan Rasmi ah laga gaari doonaa nooca doorasho ee Ka dhici doono Soomaaliya dabayaaqada Sanadkan 2020.

Waxaa jira tuhun ah in Dowladda uu hogaamiye Madaxweyne farmaajo ay damacsan tahay inay sameyso Muddo kororsi taasoo Mucaaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya ay ka soo horjeesteen.