MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalda Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee wax ka Badalka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda oo horey Xildhibaanada Akhrinta Koowaad u marsiiyeen.

Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya xalay waxaa uu ku wargelyay in uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jiro kal-fadhiga 7aad ee ugu dambeeyay kulamada Baarlamaanka 10aad ayaa waxaa horyaalla sharciyo dhowr ah,kuwaas oo looga baahan yahay inay dood dheer kadib ansixiyaan.