Muqdisho-Ayaamaha-Waxaa Goordhow Xarunta Golaha Shacabk ee Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay kulanka Guud ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyaha Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeyn,isla markaana waxaa goobjoog ka ah 146 xildhibaan.

Ajendayaasha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa qeyb ka ah Warbixinta Guddigii xaqiiq raadinta ahaa ee loo xilsaaray dhacadadii Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo kale.