Muqdisho-(Ayaamaha)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta soo saaray Digniin iyo amar wada jira oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa wareegto uu soo saaray ku amray  shacabka  Muqdiho in guryahooda ku xirtaan nalal sidoo kale bulaacadaha aan si sharci daro ah loo isticmaalo.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo Warbaahinta u aqriyay Wareegtada kasoo baxday Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay socoto dib u Habeynta Bulaacadaha Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay.

Halkan ka Akhriso

1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka ka soo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo isticmaalo mid gaar ahaaneed.

2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

3– Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.