Akhriso:- Heshiiska cusub ee Wasaaradaha Waxbarashada DFS & Dowlad Goboleedyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS, Wasaaraddaha Waxbarshashadda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxda labadda heer ee Dowladda federaalka  ka gaareen is afgarad hanaanka loo maamulayo Waxbarshadda, Manhajka iyo  mideynta Imtixaanaadka dalka sidoo kale madaxda ayaa ku heshiisay Magacaabista Guddi maamuli doona Imtixaanaadka, Shahaadooyinka.

Madaxda ku shirtay Puntland, Caasimadda Garoowe ayaa soo saaray Warsaxaafadeed  ay uga hadlayaan waxyaabahii la iskula soo qaaday shirka, kaas oo ka kooban Afar Bog.

Hoos Ka Akhriso Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska Wasaaradaha.

1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha Waxbarashada.

2. In la mideeyo qalfoofta manhajka (Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).

3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud..

4. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah..