MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa kulamadii ay yeelanayeen dhowaanahaan ayaa waxaa uu ahaa mid ka duwan kulamadii hore, iyadoo xildhibaanada ay meel mariyeen in aqalka sare ee federaalka ay kusoo daraan 13 senator oo cusub.

Maanta oo Isniin ah ayaa xildhibaanada golaha shacabka waxaa kulan ku yeelan doonaan Xarunta villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho

kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa looga doodi doonaa labo Ajende, kuwaasi oo kala ah.

1Akhrinta 1aad Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Iyo 2. Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya ayaa maalmahan waxaa ay kulan ka yeelanayaan Ajandayaal dhowr ah oo horyaala baarlamaanka, iyagoona ansixiyay ajandayaal dhowr ah.