MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, sida lagu sheegay qoraal goor-dhow kasoo baxay Aqalka Sare.

Guddigan ayaa ka shaqeyn doona isu keenista Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyagoo diyaarin doona shir looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay  oo doorashada lagu galo.

Xubnaha Guddigaan oo ka kooban 9 xubnood waxa ku jira Guddoomiyuhu,  Senator C/raxmaan Faroole, Senator C/risaaq Jurile, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow, Senator Xuseen Sheekh Maxamed, Senator Cusmaan Dufle, Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Senator C/llaahi Cabdi Garuun iyo Senator Muxiyaddiin Sheekh Cali Jaamac.