MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgal qorsheysan oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen tuulada Balow oo tagta deegaanka Bariire ee gobolka shabeellaha hoose ayay ku dileen in ka badan 20 Askari iyo labo Horjooge oo ka tirsan Al-shabaab

Taliyaha ururka 143 ee xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kadib markii dadka degaanka ay la soo wadaageen xogta xubno Shabaab ee  la dilay sidaasna ay ugu suuragashay in howgal qorsheysan lagu dilo 20 kamid ah Al shabaab iyo Labo Horjooge oo xilal muhiim ah ka haayay Al-shabaab

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sheegay in labada sarkaal ee la dilay ay Al-shabaab u qaabilsanayeen xilalka Madaxii Howlgalada Gobolka iyo maktabka Dacawada Xizbada

Magacyada labada sarkaal ee la dilay ayuu Taliyaha ku kala sheegay Xuseen Macalin Nuur oo ku Magac dheer Abuu qudama waxa uuna Al-shabaab u qaabilsanaa Madaxii Howlgalada Gobolka Shabellada Hoose iyo Farxaan Abuu Macalin oo ku magac dheer ganay Al-shabaab u qaabilsanaa maktabka Dacawada Xizbada

Waxaana intaas uu hadalkiisa ku daray taliye Axmed Xasan siyaad inay gubeen doomo Al shabaab ay isaga kala gudbi jireen Wabiga Shabeelle ee mara Bariire iyo degaannada kale ee gobolka Shabeellaha hoose.