Waxaa Isbedel weyn lagu sameeyay Taliyaasha Booliska Gobolka Banaadir, iyadoo xilalkii laga qaaday taliye qeyb, ku xigeen iyo 10 taliye saldhig Boolis oo ka mida saldhigyada Booliska G/Banaadir.

Taliyayaasha cusub ee loo magacaabay saldhigyada Booliska ayaa u badan sarkaaiil dhalinyarro ah oo ka yimid Nabadsugidda iyo ciidamadii Xasilinta oo khibradooda Boolisnimo ay yar tahay, iyadoo dhowr bilood ka mid ahaa Ciidamada Booliska, iyadoo magacaabiddan uu soo jeedioyey Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo isaguna ka yimid NISA.

Hoos ka akhriso magacyada taliyeyaasha cusub

1-Axmed Qadar ayaa loo magacaabay Saldhiga Xamar Weyne

2-Xuseen Cadceed ayaa loo magacaabay Saldhiga Warta Nabadda.

3-Liibaan Shidane ayaa loo magacaabay Saldhiga Degmada Kaaraan.

4-Bashiir ayaa loo magacaabay Saldhiga degmada Hodon.

5-Cali Calasow Goofjooge oo loo magacaabay saldhiga degmada Heliwaa.

6-Najiib Carab ayaa loo magacaabay saldhiga Degmada Boondheere.

7-Ismaaciil Muuse taliyaha Saldhiga degmada Dharkaynley

8- Maxamed Cabdulqaadir Nuur (Kabtan Mooshin) oo loo magacaabay Saldhiga degmada Waaberi.

9-Yaasiin Ganey  ayaa loo magacaabay ku-xigeen qayb.

10-Axmed Taree, ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Kaxda

Waa isbedelkii ugu weynaa ee mar qura dhaca waxaana saraakiishan ay intooda badan u ahaayeen taliyaashii Nabad-sugidda Degmooyinka Gobolka Banaadir ka hor inta aan loo soo wareejin Ciidanka Booliska