MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashoyinka Qaranka ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay xeerarka ee dhameystirka doorashooyinka oo ay soo diyeen.

Guddiga ayaa Xildhibaanada u qeybiyay 4 xeer , kuwaasi oo kala ah Xaqiijinta Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka, Qoondada Haweenka iyo Habka Nidaamka Doorashada xubnaha Gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta BFS iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada Waqooyi/Somaliland.

Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ayaa Guddiga isku raacay in 7 kursi la siiyo, iyadoo wax laga bedelayo qodobka 72aad ee Dastuurka, maadaama 7-da kursi ay tahay kuraas dheeri.

Guddiga ayaa isugu raacay hannaan KMG oo lagu sugayo in kuraasta ay kuraasta Haweenka oo ku eg 2020/2021, isla markaana Haween kaliya ay ku tartmayaan kuraasta haatan ku fadhiyaan, si loo xaqiijiyo qoondada Haweenka.

Hoos ka akhriso