Muqdisho-Ayaamaha-Waxaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22/5/2019 ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kullanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ah  horgaynta wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka, oo mari doono Akhrinta 1-aad,sida ay Risaala u sheegeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan si Akhrinta 1aad loo marsiiyo wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isniintii la soo dhaafay kulankii ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen sharciga badelka Batroolka dalka,waxaana ogolaatay in la ansixiyo 150 Mudane,halka ay diiday 4 Xildhibaan oo kaliya.

Dhinaca kale warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulanka Xildhibaanada qaarkood ay kusoo hadal qaadaan xiriirka xilligaan sii xumaanaya ee Soomaaliya iyo Kenya gaarahaan arimaha Fiisaha loo diiday diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.