Muqdisho-Ayaamaha-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da bisha May 2019,ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka.

Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa dhawaan shaaciyey inay jiraan in ka badan 143 mudane oo fasax la’aan kulamada Baarlamaanka uga maqan,iyaga oo ku eedeeeyey xil-gudasho la’aan.

Xildhibaanada ayaa xalay waxaa  lagu wargeliyay in uu jiro kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay ay soo xaadiraan kulanka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa inta ay ku guda jiraan kal-fadhiga 5aad waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah iyo ajendooyin dhowr ah oo u baahan inay ansixiyaan ama qaarkood ay wax ka bedel ku sameeyaan.