Muqdisho-Ayaamaha-Maxkamadda Caalamiga (The International Court of Justice -ICJ) ee magaalladda The Hague ee dalka Holland ayaa la filayaa inay dib u bilowdo Dhegeysiga Kiiska Dhegeysiga Dacwadda ay Kenya ku sheeganayso qeyb ka mid ah Xuduud-baddeedka Somalia.Dhegeysiga Dacwadaasi ayaa bilaaban doonta bisha September 9-da ee sannadkan 2019-ka, waxayna socon doontaa muddo 4 maalmood oo ku eg isla bisha September 13-da.

Qoraal kasoo baxay goor dhoweyd Maxkamadda ICJ ayaa lagu sheegay in wareegga koowaad ee Dhageysiga Dacwadda Badda Somalia iyo Kenya uu dhacayo maalmaha 9-ka iyo 11-ka September 2019, iyadoo wareegga labaad uu dhici doono 12-ka iyo 13-ka Septembar 2019, laguna qaban doono xarunta Maxkamadda ee magaalada Hague.

Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ waxay shalay oo Talaado ahayd baahisay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi, iyadoo Dowladda Kenya ka walaacsan tahay Go’aanka la filayo inay Maxkamadda ICJ ku dhawaaqdo, kaasi oo loo badinayo in Somalia loo xukmin doono xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso.

Maxkamadda ICJ waxay jadwalka dhegeysiga Dacwadaasi ku sheegtay in maalinta Koowaad ee Dhegeysiga Dacwadaasi  ay Somalia hor imaan doonaan Xeer-beegtida ICJ, iyadoo Kenya la filayo inay Maxkamadda hor tagaan bisha September 11-da.

Dacwadda ayaa mareysa heerarkii ugu danbeeyay iyadoo aan weli la mudeyn xilliga go’aanka Maxkamadda uu soo bixi doono, waxaana qareennada labada dal ee la dhageysanayo bisha Septembar la filayaa inay noqoto tii ugu danbeysay.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya waxay ku hungoobi doontaa sheegashadeeda ku aadan Lahaanshaha xuduud ballaaran oo dhan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah oo ka mid ah Badda Somalia.