Garowe-Ayaamaha-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ee maanta doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday.

C/rashiid oo lasoo shaqeeyey Dawladii Hore Ee C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta hantiyey hogaaminta Gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Waa mid ka mid ah Saaxiibada Siciid Dani Gudoomiyaha Cusub Ee Baarlamaanka Maanta la doortay sida ay Warqaad usheegeen dad lagu kalsoon yahay.

Wareysi uu maanta siiyey Doorashadiisii kadib Idaacada BBC SOMALI ayuu sheegay Gudoomiye Jibriil in Xilka uu yahay mid culus uuna codsanayo in lala shaqeeyey.

Mar la weydiiyey Mowqifkiisa ninkii ay Isku Gobolka kasoo jeedeen Ee Khamiistii hore la ceeriyey ayaa sheegay inuu rajo C/xakiim Dhoobo daareed ayidsan yahay Kalsoonida sida loogala noqday Balse uu hadda yahay Xildhibaan Caadi ah.