Cadaado-Ayaamaha-Mudooyinka dambe waxaa loolan u dhaxeeyay dowladda federaalka soomaaliya iyo Xaaf ee Galmudug uu u muuqdo inuu soo dhammaaday ayaa waxaa hadda billowday loolan cusub oo laga yaabo inuu kasii adkaado kii hore.

Loolanka cusub ayaa noqon doona mid laba weji leh oo qeyb ay u dhaxeyso Ahlu-Sunna iyo Xaaf, halka qeybta labaadna ay u dhaxeyso siyaasiyiinta iyo xildhibaanada kasoo kala jeeda labada magaalo ee Cadadao iyo Dhuusomareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo  Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug,waxaana warar laga helayo kulankaas ay sheegayaan in Odayaasha Dhaqanka ay Ra’iisul Wasaaraha hor-dhigeen qodobo xasaasi ah oo la doonayo in uu fuliyo,kuwaas oo kala ah.

1:  Hirgelinta in Cadaado tahay xarunta Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug go’aankaas oo uu oo horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

2: In Dowladdu fuliso mashruucyadii Madaxweyne Farmaajo uu ka dhagax-dhigay Gudaha iyo deegaanada hoostaga Magalada Cadaado.

3: In si Cadaalad ah loo hab dhismeedka Maamulka Galmudug ,isla markaana habka xulida Xildhibaanada lagu saleeyo awood qeybsiga Beelaha deegaanada Galmudug.

4: In doorashada tan ka horeysa ee soo socota ay dadka  reer Cadaado xaq u leeyihiin xilka madaxweynaha Galmdug laguna tixgeliyo.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid waxana uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee loo qaadayo Maamulka Galmudug.

Wadatashiyada uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.