Muqdisho-Ayaamaha-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta Kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare waxaana shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Sharciga Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka.

Guddiga Dhaqaalaha Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor Akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan.

Sidookale kulanka waxaa yimid wasiirka wasarada Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan howl-wadeeno ka socday wasaradda maaliyadda ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare si su aalo looga wey diiyo.

Waxaa la wey diiyey su’aalo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Wax-ka Badelka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka Waxa uuna ka jaawabay suaalihi ay weeydiyeen Senatarada.

Ugu dambeyntii Waxan shirka soo xiray Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad oo shegay in dooda akhrinta 2aad ee sanatarada lagu soo daro Sharciga.