Muqdisho-Ayaamaha-Cabdullahi Cabdi Warsame (Gaani) oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii xalay ee Hotel SYL ayaa ka sheekeeyey sida uu ku bilowday weerarkaas.

Masuulkan ka badbaaday weerarkas ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey wixii xalay ka dhacay Hotel SYL.

Hoos ka akhriso qoraalka

Maxaa xalay ka dhacay HOTEL SYL. Xalay abaaro 6:50:00 waxaan soo galay SYL Anigoo ka soo baxay xaruun u dhow Hotelka, markaan gudaha u soo galay ayaan waayey kursi aan ku fadhiisto.

Sadax daqiiqo aniga oo weysan kursi ayuu ii yimid Calinuur oo ah kormeeraha Hotelka, Asgaana kursi iga soo bixiyey gudaha hoolka, waxaana fadhiistay barxada weyn ee banaanka.

Fadhi kadib waxaan la soo baxay telefoonka waxaana wacay Saaxiibkey Axmed Abiibaker geesey (oomane), markuu iga qabtay oo uu igu yiri ma joogo SYL laakiin waan kuu imaanaa, inta aan u jawaabin ayey xabadaha biloowdeen.

Dagaalka marka hore wuxuu ka bilaawday akadaamiyada dhaqanka horteeda oo u dhaxaysa Hotelka iridiisa iyo birta kashmiir, marka xabada bilaabatay isla markiiba bam gacameed ayey ku soo tuureen gudaha Hotelka waa inta aysan gudaha u soo galin.

Intaas kadib daqiiqad kama soo wareegin marka gudaha la isla soo galay, runtii ma garan karro in irida laga soo galay iyo in darbiga dhanka laamiga laga soo booday, laakiin labada jihaba in ay ka soo galeen waa suuragal.

Intaas kadib ayaan u cararney anagoo badan oo fadhinay banaanka jihada danbe ee Hotelka qeybta Masaajidka, oradkaas ayaa wax u eg bam gacameed la soo tuuray nooga dhaawacmay Xildhibaan Maxamud Cali Magan.

Kadib waxaan bilaabay in aan nafteyda iyo mida Xildhibaanka oo dhaawac ah badbaadiyo maadaama uu yahay dhaawac illa socdo, waxaan lagta oo dhiig ka socdo kaga xirey shaarkeyga kadib waxaan saaray oo ka dajiyey darbiga danbe ee beerta nabada.

Xildhibaanka waxaan geeyey Isbitaalka Digfeer, waxaan qirayaa in ciidanka Amniga Hotel SYL yihiin geesiyaal, marna qalqal ma galin oo si dagan ayey ula macaamilayeen waxa ka socday hoteelka bulshadana wey caawinayeen.

Dhibka inta badan xalay wuxuu qabsaday dhalinyaro badan oo aan sidaan filayo horey u imaan jirin Hotelka, way isdardareen inta badana si aan sax aheyn ayey darbi dheer iskaga tuurayeen waana taas waxa dhaawaca u badan yahay.

Waxaan bugaadinayaa ciidamada Amniga dalka guud ahaan, oo badbaadiyey dad aad u farabadan, waxaana cambaareynayaa falka argaxgixisanimo ee la rabay in lagu laayo shacab aan waxba galabsan.

W/Q: Cabdullahi Cabdi Warsame.