Muqdisho-Ayaamaha-Sida la arkayey Maanta oo Axad aheyd Shirkadii Dhismaha Turkida Ee Wadada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye ayaa waxay Qalabkeedii kasoo raratay Halkaasi.

Shirkadda ayaa maanta bilowday in ay qalabkii ay ku shaqeynayeen dib ugasoo rarto, iyadoo usoo daabushay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sababta loo soo raray qalabka ayaa ah in la badalo qalabkaas maadaama ay dhibaato kasoo gaartay qaraxii ugu dambeeyey oo ay Al-Shabaab ka sameeyeen jidkaas.

Wadada dhismaha ka socdo ayaa hadda waxaa lagu soo daadiyey ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo dhismaha jidkaas isla markaasna halkaas la geeyo qalab cusub oo ay leedahay shirkadda qaadatay mashruuca dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Afgooye.