Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay safarka Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ee Magaaladda Nairobi ee caasimadda kenya iyo qodobadda uu kala hadli doono dhigiisa Kenya uhuru Kenyata.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Mudane Cabdi Nuur Maxamed ayaa shaaciyay Shan qodob oo la xiriira Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Kenya.

  1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu caawa gaarayaa Nairobi si uu berri wada hadallo ula yeesho Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
  2. Waxaa sidoo kale safarkan ku wehliya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed.
  3. Saddexda hoggaamiye waxay yeelan doonaan kulamo ujeedkoodu yahay in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliyo iyo Kenya.
  4. Kenya waa dal ay naga dhaxeeyaan dano badan oo waxtar uleh labada dhinac, soocelinta xiriirka diblomaasiyadeedna waxaan u aragnaa tallaabo horusocodnimo ah.
  5. Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee BADDA wax gorgortan iyo wada hadal ah kama furna. Waxaan ka war sugeynaa go’aanka maxkamadda. Hal taako oo dhulkeenna kamid ah wada hadal ka gali mayno.