Muqdisho-ayaamaha-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey 10 Qof ayaa ku Geeriyootay Tira kalana wey ku Dhaawacantay Qarax ka Dhacay Nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa intiisa badan waxaa waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo goobto ku ganacsanayey.

Xiliga uu qaraxa uu dhacayay ayaa wadadu waxaa ay aheyd mid aad u Mashquul ah oo dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen.