Muqdisho-Ayaamaha-Xog gaar ah aan helnay ayaa sheegaysa in madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu qaatay lacag sababtay in uu soo afjaro khilaafkii kala dhaxeeyay Villa Soomaaliya.

Illo wareed oo aan xogtaan ka helnay ayaa inoo sheegay in lacagta la siiyey ganacsadahan qaarkood loogu shubay akoonkiisa, qaar kelana ay yihiin balanqaad ayna baaqi u yihiin lana siin doono.

Xogta ayaa sheegaysa in Xaaf loogu yaboohay in la siin doono aduun lacageed gaareysa 2 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo hal milyan oo kamid ay ku dhacdey jaabkiisa.

Sidookale xogtaan ayaa intaasi raacineysa in ay jirto gunno kale oo dheeraad ah oo uu si joogto ah u qaadanyo mudada uu ku sugan yahay Muqdisho tan iyo markii uu heshiiska saxiixay, taasi oo uu isaga bixinayo mushaharka ilalaadda.

Madaxda dowladda federaalka ah ayaa lagu eedeeyaa in ay dhaqaalo u adeegsadaan madaxda ka aragtida duwan, isla markaana midka diida ay kusoo rogaan xayiraadyo dhaqaale, taasi oo ah siyaasad lasoo miin-guuriyey.