Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah looga dhawaaqay Madal ay ku bahoobeen xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay hormuud ka yihiin xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Xibsiyada Maanta Isbaheysiga ku midoobay ayaa waxaa ay kala yihiin.

1) Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Shiikh ee UPD

2) Xisbiga uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ee Himilo Qaran

3) Xisbiga Horusocod oo ay hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Cali Gaas

4) Iyo Xisbiga NDP oo ay hoggaamiso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo horay u soo noqotau Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

Xildhibaan Cabdi fitaax  Ismaaciil Daahir oo Warbaahinta u Akhriyey War ay soo saareen xisbiyada ayaa sheegay inay Maanta afhayen KMG ah u magaceeb Xildhibaan hore Cabdi Ladiif Muuse Nuur oo loo yaqaano (Sanyare).

Madashan waxaa ka dhex muuqday xildhibaannada kasoo jeeda labada gole ee kala taageersan madaxweynayaashii hore waxaana looga dhawaaqay in qaab dhismeedka Madashada uu noqon doono hoggaanka sare ee Madasha oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo Golaha xoghayeyaasha xisbiyada.