Dhuusamareeb-Ayaamaha-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya,iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeba kusoo dhaweeyeen.

Wufuuda ayaa waxaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb,waxana lagu soo waramayaa inay halkaasi kulan kula leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre & Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

Ujeedka Xubnahan Kasocda beesha caalamka ayaa ah sidii gacan ugu gaysan lahaayeen arrimo la xiriira dib u heeshiisiinta  deegaanada Maamulka Galmudug iyo sidii lagu dhisi lahaa Galmudug Cusub oo mideysan, waxaana arintaan horboodaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ammaanka guud Magaalada dhuusamareeb ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana iska kaashanaya Ciidamada dowladda,kuwa dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ilaalada gaarka ah ee Xasan Cali Kheyre.