Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxaa uu gaarey  Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa,halkaas oo booqasho rasmi ah uga bilaabatey.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed iyo madax kale.

Ujeedka Madaxweynaha Ereteriya ee dalka Itoobiya ayaa ah in kulmo uu la qaato Madax ka tirsan dowladda Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimaha labada dal iyo heshiisyo horay u dhexmaray.

Itoobiya iyo Ereteriya ayaa horay waxaa ay u kala saxiixday heshiis nabadeed kadib magacaabistii Dr Abiy Axmed ee loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Heshiiskan ay horay u kala saxiixdeen ayaa waxaa kamid ahaa marxalad cusub oo iskaashi ah oo ka dhexmara  labada dal, oo ay ka mid tahay dib-u-dejinta isgaarsiinta iyo isku xirka gaadiidka iyo dib u furista safaaradaha maadaama labada dowladood muddo ka badan 20 Sano uu dagaal ka dhaxeeyey.