Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo  wafdiga la socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho kusii sagootiyay Madax sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka dhabta ah ee Safarka Madaxweyne farmaajo ee Jabuuti ayaa wali la shaacin balse warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya inuu isbaheysi ka samenayo Gobolka si uu uga hortego damaca Kenya Ee badda Soomaaliya.

Dad ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadli doono Arimaha Gobolka iyo Daan daansiga Kenya Ku Heyso Badda Soomaaliya.