Beledweyne-Ayaamaha-Magalada Baladweyne oo ah  Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka dib u heshiiska Hir-Shabelle Eng Cabdikarim Cali Nuur.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale qeybka Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Axmed Meyre Makaraan ( Faal) Guddoomiyaha Degmada Warshiikh, iyo xubno ka socdo Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka Wafdiga ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan u tageen ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Shir looga hadlayo is dhexgalka Bulshada Gobolka Hiiran iyo Shababeellaha Dhexe iyo sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyada mararka qaar ka dhaca labada Gobol.

Sidoo kale Madaxda inta halkaas ku sugan yihiin ayaa waxa lagu wadaa in kulamo kala duwan ay la qaataan Bushada ku dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Madaxda Gobolkaaas.