Dhuusamareeb-Ayaamaha-Diyaarad gaar ah oo Sidday wafti kasocda Wasaradda Difaaca dalka Qatar ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiggaan ayaa garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiir dowladdaha Wasaaradda Difaaca Xukumda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaggaa.

Kulan saaxafaddu dibed joog ka tahay ayay la qaadanayaan Ra’iisul Wasaare  Xasan Cali Kheyre oo kusugan Magaalada Dhuusamareeb.

Ujeedka ay Dhuusamareeb u gaareen Wafdigan isugu jiray Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tababarka la siinayo Ciidankii Ahlusunna ee lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qater ayaa kamida Dowladdaha Saaxiibka dhaw la leh Dowlada Soomaaliya waxa ayna ka taageertaa dhinacyada Qalabaynta Ciidama,Dhaqaalaha,Amaanka,Dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Dowlada Qadar ay lacag ku bixin doonto tababarka Ciidankii Ahlusunna,kuwaasi oo dhawaan dowladda lagu wareejiyay,si ay uga mid noqdaan Ciidamada qaranka.