Beledweyne-Ayaamaha-Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magacaabay Guddi Xaqiiqa Raadin ah Oo baaris Ku sameeya, shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Kalabeer ee duleedka Beledweyne ee uu ku geeriyooday Corneyl Maxamed Mocow Xalane Taliyihii Qeybta Boliiska Gobolka Hiiraan.

Guddi ayaa waxaa uu ka kooban yahay 10 xubnood oo ka tirsan wasiirada Maamulka HirShabelle.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Taliyihii qeybta Booliska Gobalka Hiiraan lagu dilay duleedka Beledweyne, iyadoona arintaasi ay ka dhalatay xiisad colaadeed.