Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyey ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada muqdisho,waxana shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Faderaalka soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,iyaga oo ay ka qaybgali doonaa shirka Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirakan ayaa waxa horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxana balntu ahayd in uu furmo 27-kii Bishii la soo dhaafay ee December balse uu dib u dhacay waxana shirka maanta lagu wado in looga hadlo arrimaha Amniga guud ee dalka, Sixitaanka habraaca doorashooyinka iyo in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda Golaha wadatashiga ayaa shirka inta uu soconayo ka doodi doono caqabadaha haysta doorashooyinka iyo sidii loo dar-dargalin lahaa arrimaha doorashooyinka oo la dhaafay xiligii horay Golaha ay ku hishiiyeen in lagu soo gaba gabeeyo doorashooyinka