ANKARA-AYAAMAHA-Qoysaska boqortooyadda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Turkiga u arka khatar ama cadow. Sababtuna waxaa ay tahay in xukuumadda Ankara aysan dowladahan fursad u siin in ay dhameystiraan qorshooyinka ay ka leeyihiin Bariga Dhexe.

Xulufada ay ku mideysanyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sidoo kalena ku jiraan Baxreyn, iyo Masar waxaa u qorshe ah in ay soo dhoweystaan Israel islamarkaana iska fogeeyaan Turkiga. Waxaa ay doonayaan in ay ugu sarreeyaan gobolka.

Si kale hadii loo dhigo, waxaa ay doonayaan in wadamadu ay aqbalaan keli talisnimo islamarkana ay daaqadda ka saaraan xorriyadda, isbedel siyaasadeed, dimoqaraadiyad ama in is-beddel dastuur.

Dhanka kale, Turkigu waxaa uu taageeray Gugii Carabta,  waxaana uu la saftay dalabka dadweynaha, waxaa uu cabsi geliyay boqortooyooyinka gobolka oo aaminay in Guga Carabtu uu yahay kacdoon faafay oo khatar lagama fursadaan ah ku ah xasiloonidooda.

Sidaas darted, ololahooda ka dhanka ah Turkiga ma uusan joogsan, Warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka marna ma joojiyaan in ay dalxiiseyaasha carbeed u sheegaan in aysan booqan Turkiga, iyagoo sheegaya warar laga badbadiyay oo ku saabsan afduub iyo xad gudub haweenka Sacuudiga loogu geysto Turkiga.

Mar dhow, warbaahinta carbeed waxay Turkiga ku eedeeyeen in uu Coronavirus ku faafinayo Sacuudiga iyo dalal kale ee carbeed.

Waxaa ay soo saareen riwaayado sumcad xumeynaya taariikhdii Cusmaaniyiinta. Riwaayad uu Imaaraadku soo saaray oo magaceedu yahay “ Boqortooyadii dabka” ayaa diiradda lagu saaray in khilaafadi Cusmaaniyiintu aysan ka shaqayn midnimadda muslimiinta balse ay ahayd taariikh madow oo soo martay Carabta.

Sidoo kale, Dowladda Sacuudiga waxa ay xanibtay labo warbaahin oo laga leeyahay Turkiga, waa qaybta carabiga ee TRT iyo wakaaladda wararka ee Anadolu. Talaabadaasi waxaa ay kusoo aaday markii dacwad oogeyaasha Turkigu ay sheegeen in 20 nin oo Sacuudiga u dhashay ay ka dambeeyen dilkii suxufigii Jamal Khashoggi ee ka dhacay Istanbul. Waxaa uu ahaa dil uga sii daray xiriirka Ankara iyo Riyadh.

Xukuumadda Ankara waxaa ay sidoo kale Imaaraadka Carabta ku eedeysay in uu taageerayay afgambigii 2016.  Markii laga adkaaday Daacish islamarkaana ay dhacday khilaafadoodii magaaladda Raqqa ee Siiriya, waxaa halkas booqday wasiirka arrimaha khaliijka ee Sacuudiga Thamer Al-Sabhan, waxaana uu la kulmay golaha deegaanka ee magaaladda Raqqa oo ay mamulaan YPG oo gacan saar la leh ururka PKK ee Turkigu la dagaalamayay 40 sano.

Turkigu waxaa doorweyn ka cayaaray shaacintii in Sacuudigu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashoggi iyo in lagula xisaabtamo Maxamed bin Salmaan.

Jawaabta Turkiga ee siyaasadaha amiiradda Sacuudiga iyo Imaraadka waxaa ay ka hortimid ficilladooda aan macquulka ahayn. Tan iyo markii uu dilku dhacay 2017, Turkigu waxaa uu ku guuleystay olole warbaahineed si uu u dhaqaajiyo beesha caalamka islamarkaana uu shaaca uga qaado wejiga dhabta ah ee Maxamed bin Salmaan iyo taageerayaashiisa reer Galbeedka.

Sababtoo ah Turkigu waxaa uu rumeysanyahay in kooxda hadda talada haysa ee dalalkaas carbeed aysan matalin danaha runta ah ee dalalkooda iyo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dalalka kale. Kooxdaasi waxaa ay doorbidayaan in ay ka faa’iideystaan danaha dalalka kale ee gobolka ayna hoos u dhigaan horumaradda maamuleyaasha gobolka.

Turkiga badanaa kama jawaabo ololaha ceebeynta iyo aflgaadada ah ee Sacuudiga iyo Imaaraadka. Waxa ahayd wax yaab leh oo caruurnimo ah in warbaahinta Sacudiga ay Turkiga ku eedeeyaan inuu faafinayo cudurka Coronavirus.

Hase yeeshee Turkiga kama laba labeeyo inuu qaado tallaabo uu ku ilaalinayo danihiisa. Markii ay Qatar u baahatay taageero kadib go’doonkii ay geliyaan xulfada Sacuudiga iyo Imaaraadka, Turkigu wuxuu go’aansaday inuu ciidamo geeyo dalkaas, wuxuuna heshiis difaac iyo mid wada-shaqeyn la saxiixday Doha.

Dalka Libya, Turkigu wuxuu si furan u tagaeerayaa dowladda caalamka aqoonsan yahay oo weerar uu kaga imanayo dagaal-oogaha ay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka taageeraan ee Khalifa Haftar.

Khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa la filaya in uu ku sii fido qaybo kale Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa ah. Maxamed bin Zayed oo ah dhaxal sugaha Imaaraadka waxaa uu maal gelinayaa dadaalo lagu jabinayo xabad joojinta u dhaxaysa xoogagga Turkigu taageero ee Siiriya iyo Dowladda Siiriya ee ka dhaqan gashay gobolka Idlib.

Xuulfadu Sacuudiga iyo Imaaraadka ma damacsana inay hoggaan u noqdaan dunida Muslimka ah, balse waxay aaminsan yihiin fikrad diidan kala aragti duwanaashaha lana mid ah tii madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush ee “waad nala jirtaa ama naga jirtaa.” Turkiga uma cuntamaan hadallada noocan ah, umana muuqdo inuu ka tanaasuli doono ilaalinta danihiisa iyo taageeridda dhiiranaanta dadka ku hoos nool kali-telisnimada. Inta ay sidan jirto, Sacuudi iyo Imaaraad weligood waa necbanaan doonaan Turkey.