Muqdisho-Ayaamaha-Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed oo ka mid ahaa Agaasimayaasha mudada dheer xilalka ka haya Wasaaraddaha Xukuumadda.

Wasiir ISLOW ayaa si kumeel gaar ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ugu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin, waxaana la faray Hey’addaha amniga dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Cabdi Kooshin.

Qoraal ka soo baxday xafiiska Wasiirka Amniga ayaa lagu sheegay in Wasiirku tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay  dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada wasaaradda.

Warqadaan oo soo baxday shalay oo ku beegneyd 17 bisha Agosto ayaa hadana shaqo joojinta Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa dhacday 7-dii bishan 10 maalmood ka hor maalinta warqada rasmiga ah ka soo baxday Xafiiska Wasiirka

hoose ka akhriso warqada Wasiir Islow.